Taageerayaasha Barcelona Oo Doortay Tababaraha Shaqada Ka Badali Doona Ernesto Valverde Hadii Uu Kooxda Ka Tago

0

Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah u doortay tababaraha ay doonayaan in ay ku badalaan tababare Ernesto Valverde hadii uu ka tago kooxda wakhtiga soo socda.

Inkasta oo uu ka tagay hadana qalbiga taageerayaasha Barcelona ayaan iloobin xiddigoodii hore ee Andres Iniesta kaas oo wakhti fiican ku soo qaatay kooxda Barcelona.

Iniesta ayaa ka tagay kooxda Barcelona xagaagii saga oo ku biiray kooxda Horyaalka Japan ee Vessel Kope kaas oo soo afjaray muddo dheer oo uu joogay Barcelona.

Xiddiga khabiirka ah ayaa Barcelona ku soo laabtay isaga oo taageere ah isaga oo daawaday kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay kooxda Celta Vigo isaga soo dhawayn fiican ka helay taageerayaasha kooxdiisa.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaciyay codayn uu ka qaaday taageerayaasha kooxda kaas oo uu ku waydiiyay tababaraha ay doonayaan hadii uu Valverde ka tago.

Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa 81.22% doortay in uu Andres Iniesta noqdo tababaraha cusub ee kooxda hadii uu Ernesto Valverde ka tago mustaqbalka dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here