Taageerayaasha Barcelona Oo Dalbaday In Philippe Coutinho Dib Loogu Celiyo England, Sabab

0

Taageerayaasha Kooxda Barcelona ayaa maamulka kooxdooda ka dalbaday in ay Philippe Coutinho dib ugu celiyaan Premier League kadib kulankii Deportivo Alaves ee horyaalka La Liga ee ay Barcelona guusha 2/0 ah ka gaadhay.

Taageerayaasha Barcelona ayaa maamulka kooxdooda u sheegay in ay Philippe Coutinho dib ugu celiyaan England kadib qaab ciyaareed kale oo Liita oo uu soo bandhigay kulankii Deportivo Alaves ee Xalay.

Coutinho ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan oo ku saabsan qaab ciyaareedkiisa tan ilaa markii uu Barcelona kaga soo biiray Liverpool suuqii January ee sanadka 2018.

Qaab ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee kulankii Deportivo Alaves ayaa keenay in ay taageerayaasha kooxda Barcelona dalbadaan in aanay mar kale xiddiga ku sii arkin kooxda.

Taageere ayaa bogiisa Twitter-ka ku qoray” Waa In Dib Loogu Diro England”.

Mid kale ayaa qoray” Dib ugu dira England”.

Taageere kale oo Barcelona ah ayaa dalbaday in booskiisa laga ciyaarsiiyo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Malcom.

Waxa uu yidhi” Fadlan Malmcom”.

Coutinho ayaa kaliya 5 gool dhaliyay 32 kulan oo horyaalka La Liga ah oo uu u ciyaaray kooxda Barcelona isaga oo aan joogto ugu ciyaarin kooxda marka uu ciyaarana qaab ciyaareed Liita soo bandhiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here