SAWIRRO: Taageerayaasha Atletico Madrid Oo Dooli Dhintay Ku Soo Tuuray Thibaut Courtois

Taageerayaasha Kooxda Atletico Madrid ayaa Dooli ku soo tuuray goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois Markii uu soo galay garoonka Wanda Metropolitano.

Goolhayaha Real Madrid ee haatan ayaa Atletico Madrid u soo celiyaaray 154 kulan muddo 3 sano ah oo uu joogay kooxda isaga oo kula guulaystay Copa del Rey, La Liga & Europa League.

Laakiin Goolhayaha ayaa Real Madrid ku soo biiray suuqii xagaaga waxana ay taageerayaasha Atletico dareensan yihiin uu goolhayaha reer Belguim khiyaameeyay.

Sidoo kale taageerayaasha ayaa dooli ku guray meel garoonka dibadiisa ah oo uu ku qoran yahay magaca goolhayaha reer Belguim.

Thibaut Courtois ayaa Real Madrid kaga soo biiray Chelsea suuqii xagaaga isaga oo waliba ku qasbay in uu u dhaqaaqo Los Blancos.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here