Taageerayaasha Arsenal Oo Ku Oriyay Unai Emery, Lacazette Oo Sabab U Ah & Tababaraha Oo Ka Hadlay

Taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa ku oriyay tababaraha kooxdooda ee Unai Emery intii uu socday kulankii ay Gunners guusha weyn ka gaadhay kooxda Fulham kana tirsanaa horyaalka premier League.

Sababta ay taageerayaashu ugu oriyeen tababare Emery ayaa ah badalkii uu ku sameeyay xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Alexandre Lacazette qaybtii dambe ee ciyaarta.

Tababare Emery ayaa hoos u dhigay fal celintii taageerayaasha Arsenal kadib markii uu badalay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxa ee Alexandre Lacazette qaybtii dambe ee ciyaarta.

Tababaraha Arsenal ayaa xiriir fiican la leh taageerayaasha Arsenal tan ilaa markii uu shaqada la wareegay laakiin kadib guuldaradii 5/1 ahayd ee ka soo gaadhay Liverpool go,aankiisa ayaa ahaa in uu badalo Alexandre Lacazette qaybtii dambe ee ciyaarta taas oo ay taageerayaashu ka fal celiyeen.

Alexandre Lacazette ayaa goolka 2-aad u dhaliyay Arsenal qaybtii dambe kadib markii uu Granit Xhaka dhaliyay goolka 1-aad laakiin waxa lagu badalay Qaybtii dambe xiddiga Aaron Ramsey.

Go,aanka tababaraha ayay taageerayaashu ku oriyeen inkasta oo uu Aaron Ramsey oo lala xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda goolka 1-aad u dhaliyay kooxda.

“Waan Fahmayaa taageeerayaasha”ayuu Emery yidhi.

“Dhanka shaxda waxa aan dareemaynay in aanu u baahnayn is badal si aan isugu dheeli tirno wax walba, Waxa aan ogayn in uu Jean Michael Seri soo galayo ciyaarta dhanka Fulham sidaas darteed waxa aan u baahnayn xiddig u dhaw isaga una diida kubada”.

“Waxa sidaas samayn kara Aaron Rannset waxana uu sidoo kale naga caawiyay in aanu gool dhalino waxa aan doonayaa in aan qabto shaqadayda laakiin taageere kasta waxa uu iga haysan karaa fikrado kala duwan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here