Supercomputer Oo Sameeyay Saadaalin Cusub Oo Ah Sida Uu Ku Dhamaan Doono Premier League, Waa War U Fiican Laba Kooxood.

0

Supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu ku dhamaan doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu war fiican u yahay kooxaha Liverpool iyo Man United.

Haatan kooxda Man City ayaa hogaanka horyaalka premier League goolal ku haysa iyaga oo ciyaaray 27 kulan.

Waxa ay ka horeeyaan kooxda Liverpool laakiin Reds ayaa hal kulan gacanta ku haysata waxana ay Reds dib u soo ceshan kartaa 3-da dhibcood hadii ay ka badiyaan Man United kulanka xiga.

Liverpool iyo man City ayaa ugu cad-cad in ay ku dhamaystaan kaalinta 1-aad iyo 2-aad ee kala saraynta premier League.

Dad badan ayaa filaya in ay Tottenham ku dhamaysato kaalinta 3-aad xilli ciyaareedka dambenaa si raaxo leh uga soo qayb gasho champions League laakiin kaalinta 4-aad ayaa ah mid aad la isugu dagaalayo.

Haatan kooxda Man United ayaa ku jirta kaalinta 4-aad laakiin waxa ay hal dhibic ka dambeeyaan kooxaha chelsea iyo Arsenal.

Hadii aynu eegno kooxaha ka hadhi doona horyaalka Huddersfield ayaa haatan kaliya 11 dhibcood haysata iyada oo ciyaartay 26 dhibcood waxana ay u muuqdaan qaar haatanba u sii dhaadhacaya horyaalka heerka 2-aad.

Kooxaha Cardiff City iyo Fulham ayaa Huddersfield u raaci doona ka hadhista horyaalka premier League xilli ciyaareedkan sida uu saadaaliyay SuperComputer.

Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Uu SuperComputer U saadaaliyay Kala saraynta premier league:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here