Supercomputer Oo Saadaalin Cusub Ka Sameeyay Sida Uu Ku Dhamaaan Doono Horyaalka Premier League

Man United ayaa la ciyaari doonta Liverpool 2 bilood kadib markii ay Liverpool sabab u noqotay in uu Jose Mourinho waayo shaqada kooxda kadib guuldaradii ka soo gaadhay Anfield.

Red Devils ayaa wixii intaas ka dambeeyay qaab ciyaareed cajiib ah ku jirta tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer noqday tababaraha Kooxda.

United ayaa wali aan wax guuldaro ah kala kulmin horyaalka tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer qabtay shaqada kooxda iyaga oo kaalinta 4-aad kala wareegay kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Haatan SuperComputer ayaa saadaalin cusub ku sameeyay sida uu ku dhamaan doono horyaalka premier League kulamada hadhay ee horyaalka.

Sida laga soo xigtay Computer-ka Liverpool ayaa 101 dhibcood ugu guulaysan doonta horyaalka premier League iyaga oo kaga guulaysan doona Man City xilli wiilasha Ole Gunnar Solskjaer ay kaalinta 4-aad gali doonaan.

United ayaa haatan leh 51 dhibcood iyada oo 12 kulan hadhsan yihiin waxana ay hal dhibic ka horaysaa kooxaha chelsea iyo Arsenal.

Waxana uu Computer-ku u saadaaliyay in ay 23 dhibcood ka heli doonaan 12 kulan uu uga hadhay horyaalka premier League.

Waxa uu Computer-ku u saadaaliyay in ay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka kala kulmi doonaan Liverpool laakiin aanay taasi ka hor istaagi doonin in ay u soo baxdo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here