Suarez, Fabregas, Bale, Alba, Pepe, Coutinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba Laacibkii.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga

Kooxda Barcelona ayay ka go,antahay in ayna xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez ka iibin Arsenal inta lagu jiro bishan (Mirror).

Bayern Munich ayaa ku rajo weyn in u soo bandhigista No.10 oo uu haatan qaato Arjen Robben in ay xiddiga da,yarka ah ee u ciyaara chelsea ee Callum Hudson-Odoi ku qancin doono in uu ku soo biiro kooxda (Sun).

Kooxda Man United ayaa isha ku haysa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Roma ee Kostas Manolas kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo 32 milyan oo euro (Sun).

Liverpool ayaa dhankeeda Real Madrid kula biirtay baacsiga Daafaca kooxda Porto ee Eder Militao oo 42 milyan lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Sun).

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa albaabka ka xidhay in uu xiddiga Phil Foden amaah kaga tago kooxda (Independent).

Kooxda Arsenal ayaan la filayn in ay dalab kale oo horumar leh ka gudbiso xiddiga kooxda Roma ee Cengiz Under kadib markii laga soo diiday Arsenal 35-kii Milyan ee ay ka gudbisay xiddiga (Star).

Kooxda chelsea ayaa dhigeeda Monaco u sheegtay in ay miiska saaraan 10 milyan oo euro si ay u helaan xiddiga Cesc Fabregas kaas oo u duulay Monaco si uu u dhamaystiro heshiiska (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa Aqbashay dalab 13 milyan oo euro ah oo ay kooxda Lazio ka soo gudbisay xiddiga Davide Zappacosta (Sun).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Barcelona iyada oo ka doonaysa xiddiga ku dhibaataysan Catalonia ee Philippe Coutinho (Don Balon).

Kooxda chelsea ayaa xiiso u qabta in ay xiddigaha Isco ama Gareth Bale ka hesho Real Madrid hadii uu Eden Hazard ku biiro kooxda caasimada (Don Balon).

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa dhanka kale la sheegayaa in ay dalabyo xiiso leh ula tageen kooxda Real Madrid si ay uga helaan xiddiga Gareth Bale (Don Balon).

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Pepe ayaa iska diiday in uu si xor ah ugu biiro kooxda Arsenal kadib markii uu ka tagay Besiktar (L’Equipe).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa ku biiri kara kooxda Juventus bishan hadii ay Kooxda Serie A-da ka ciyaarta miiska saarto daafaca Medhi Benatia (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Juventus ayaa si aad ah u doonaysa saxixia xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Jordi Alba (Tuttosport).

Heshiiska uu Csec Fabregas ugu biiri doono kooxda Monaco ayaa lagu dhawaaqi karaa isla maanta oo isniin ah (L’Equipe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here