Su,aalaha Jawaabta U Baahan Inta Lagu Jiro Suuqa January

0

Waxa lagu jiraa maalintii 2-aad ee suuqa kala iibsiga January waxana la filayaa in ay kooxo waaweyn sameeyaan saxiixyo ay ku xoojinayaan kooxdooda si ay u tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Waxa jira su,aalo badan oo u baahan in laga jawaabo inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Maxaa Ku Dhici doona Alvaro Morata?

Weeraryahanka reer Spain ayaan ku raaxaysanayn wakhtigiisa Chelsea waxana laga yaabaa in uu isaga tago kooxda xilli uu xiiso ka helayo Ac Milan inkasta oo ay Barcelona sidoo kale xiiso u qabto adeegiisa.

Hadii Uu Adrien Rabiot Tago, Maxay Paris Saint-Germain Samayn Doontaa?

Adrien Rabiot ayaa xiddig laf dhabar ah ka ah kooxda PSG laakiin waxa xaaladiisa ka faa,iidaysanaysa kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya adeegiisa hadaba maxay samayn doonaan hadii ay Barcelona adeegiisa u dhaqaaqdo suuqa January.

Miyay Ajax Sii Haysan Doontaa Xiddigeheeda?

Xiddigaha Frenkie de Jong & Matthijs de Ligt ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxaha reer Yurub Ajax ayuu fuuli doonaa cadaadis si ay u sii haysato xiddigeheeda.

Halkee Ayuu Cesc Fabregas Aadi Doonaa?

Sida ay qorayso wargayska MARCA Fabregas ayaa haatan wadahadalo kula jiro kooxo uu ugaga tagayo chelsea waxana uu si hor ah ula hadli karaa kooxaha reer yurub ka hor inta uuna heshiis xor ah ugu biirin xagaaga hadaba halkee ayuu ku dambayn doonaa?.

Miyay Mesut Ozil, Aaron Ramsey & Eden Hazard Ka Tagi Doonaan Kooxodooda?

Xiddigo Badan oo premier League ah ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkooda kuwaas lala xiriirinayo in ay ka tagayaan kooxohooda waxana ka mid ah xiddigaha Mesut Ozil, Aaron Ramsey & Eden Hazard hadaba miyay bixi doonaan inta lagu jiro January?.

Miyay Ac Milan Sii Haysan Doontaa Suso?

Suso ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Liverpool, Tottenham, Chelsea iyo waliba Atletico Madrid xiddiga oo qaab ciyaareed ku jira ayaa ku faraxsan Milan laakiin xiddiga ayaa qaadan doona fursad kasta oo uu uga tagi karo Milan hadii uu helo dalab fiican hadaba Miyay Milan sii haysan doontaa?

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here