Southampon Oo Bar-Baro Goolal La,aan Ah Ku Qabatay Kooxda Chelsea

0

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro goolal la,aan ah ku dhaafi wayday kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ku bilowday si isku dheeli tiran iyada oo ay labada kooxoodba ciyaarayeen qaab ciyaareed weerar ah kuna doonayeen goolal.

Chelsea ayaa dhanka maamulka kubada haystay halka Southampton qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinaysay Blues.

Dhanka kale labada goolhaye ayaa sameeyay badbaadino yar inkasta oo ayna kubada intooda badan daafaca labada kooxood dhaafayn.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro inkasta oo ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen.

Qaybtii dambe ayay labada kooxoodba ku bilowdeen si dar-dar leh iyada oo koox walba isha ku haysay in ay dhaliso gool ciyaarta wax ka badala.

Chelsea ayaa qaybtii dambe ahayd qaar ka fursado badan Southampton inkasta oo ay kooxda martida ahayd ee Southampton lafteedu heshay fursado.

Labada Kooxood ayaa wax walba u sameeyay sidii ay ciyaarta wax uga badali lahaayeen una dhalin lahaayeen gool.

Laakiin waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro goolal la,aan ah oo 0/0 ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here