Solskjaer & Pochettino? Maamulka Man United Oo Go,aansaday Tababaraha Cusub Ee Man United.

0

Maamulka sare ee kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba go,aansadeen in ay si buuxda shaqada tababaranimo ugu dhiibaan tababare Ole Gunnar Solskjaer sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Norway ayaa markii hore si ku meel gaadh ah shaqada United uga badalay jose Mourinho laakiin qaab ciyaareed fiican la qaatay kooxda Old Traffrod 10 guulood-na ku hogaamiyay 11-kii kulan ee uu hogaamiyay waliba kooxda keenay kaalinta 4-aad.

Solskjaer ayaan markii hore loo arkayn in uu noqdo taabbaraha buuxa ee kooxda iyada oo tababare Mauricio Pochettino ahaa dookha 1-aad laakiin tababare Solskjaer ayaa qaab ciyaareedka fiican ee uu kooxda ka soo saaray ku qanciyay maamulka kooxda.

Wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in ay Maamulka Man United go,aansadeen in ay si buuxda tababare Solskjaer uga dhigaan tababaraha Man United.

Wararka ayaa sheegayay in uu tababare Solskjaer u baahan yahay in uu garaaco kooxda PSG si uu u muujiyo in uu u qalmo shaqada laakiin maamulka United ayaa haatanba arkay wax ay ku qancaan inkasta oo aan go,aanka lagu dhawaaqi doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

United ayaa ka fiirsatay dookhyo badan oo ay ku jiraan tababarayaasha Zidane & Pochettino laakiin Joel iyo Avram Glazer ayaa ku qancsan in uu Solskjaer yahay tababaraha saxda ah ee hogaamin kara kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here