Solskjaer oo xilligiisa weerar cusub ku moodi doona, iyo qorshaha uu ka leeyahay Lukaku oo la ogaaday!

0

Macallinka ku meel gaar ka ah ee Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxa uu diyaarinayaa qorshoyaal uu kaga gudbo lixda bilood ee uu kooxdan maamulayo.

Solskjaer ayaa hadda bartilmaameed cusub ka dhiganayo weerar cusub oo uu kooxdiisa kusoo daro, waxaana la fahansanyahay inuu ka tashanayo Romelu Lukaku.

Weeraryahanka Belgium ayaa qaab ciyaareed aad u liita ku jira, waxaa macallinka ku meel gaarka ah ee United uu doonayaa inuu xiddiggan iska hilmaamo.

Waxa uu doonayaa inuu soo qaato laacibka kooxda Bournemouth ee Josh King, marka la gaaro suuqa January ee soo aaddan.

Macallinka reer Norway ayaa si aad ah taageero ugu ah 26-jirka ay dhalasho wadaagga yihiin ee weerarka ka ciyaara, waxaana uu doonayaa inuu safkiisa ku xoojiyo.

Solskjaer ayaa tababare u ahaa King caruurnimadiisa, waxaana uu markale doonayaa inuu la midoobo.

King ayaa lagu qiimeeyaa £25m, waxaana United ay hadda qorsheyneysaa inay bisha January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here