Tababaraha ku meel gaarka United ee Solskjær ayaa rikoor cajiib ah dhigay ka dib kulankii Newcastle oo ay uga badiyeen laba gool oo nadiif ah .
Laba gool oo nadiif ah ayay ku badiyeen United waxaana kala saxiixay Rashford iyo Lukaku iyadoo ay u aheyd guushii 4-aad ee xariir ah oo uu Solskjær la gaaro United .
Waxa uu noqday tababarihii labaad ee taariikhda United ee afar kullan oo isku xiga badiya waliba ah afartiisa kullan ee ugu horeeya maamulka kooxdaas ee horyaalka muddo gaareysa 73 sano .
Dhacdo noocaan oo kale waxaa united ugu dambeeysay sanadkii 1946-dii .
United ayaa haatan ku jirta booska lixaad ee kala sareynta kooxaha horyaalka Ingiriiska waxa ayna leeyihiin 38 dhibic
Advertisement