Smalling oo ka jawaabay xaqiiqada ku aadan wareysigii uu kaga hadlay Lionel Messi

Daafaca kooxda Manchester United Chris Smalling ayaa isku dayay inuu caddeeyo xaqiiqada ku aadan wareysi la sheegay inuu kaga hadlay Lionel Messi, wuxuuna ugu dameyntii tilmaamay inuu yahay war been abuur ah ee aan waxba ka jirin.

Waxaa jiray hadalo ku saabsan daafaca kooxda Red Devils, ee ah inuu sheegay Smalling in uu ka war qabo meelaha uu ka liito Lionel Messi, isla markaana uu diirada saari doono inta ay socoto ciyaarta la wada sugayo ee ku dhex mari doonta kooxaha Manchester United iyo Barcelona labada kulan ee wareega siddeed dhamaadka tartanka Champions League.

Yeelkadeeda, Chris Smalling ayaa ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka qoraal uu ku beeninayo warkan wuxuuna yiri: “Waa hadal been ah”.

Chris Smalling ayaa kala kulmay hadalo jees jees ah dhanka jamaahiirta kooxda Barcelona sababa la xiriira warkan ku aadan Lionel Messi, waxay qaarkood ka codsadeen difaaca kooxda Manchester United inuusan ciyaarin kulanka soo aadan si uusan ugu ciyaarin Messi sida uu doonayo.

Si kastaba kooxaha Barcelona iyo Manchester United ayaa ku wada ciyaari doono kulanka lugta koowaad ee wareega siddeed dhamaadka Champions League bisha soo socota garoonka Old Trafford, halka lugta labaad lagu ciyaari doono Cump Nou.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here