Sky Sport Oo Ogaatay Meesha Ay Marayso Baacsigii Real Madrid Ee Eden Hazard

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah ugu sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard xilli ay labada kooxood ku jiraan wadahadalo horumar leh lagana yaabo in heshiiska la dhamaystiro maalmaha soo socda.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid si aad ah ugu kalsoontahay dhamaystirka saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard.

Waxa aan sir ahayyn in Eden Hazard doonayso in uu ku biiro kooxda Real Madrid gaar ahaan ku soo laabashada Zidane ee Los Blancos kadib markii uu bilo ka hor isaga tagay kooxda.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo Sky Sport ah oo ku dhaw kooxda Real Madrid, Los Blancos ayaa ku kalsoon in ay maalmaha soo socda dhamaystiri doonto saxiixa Eden Hazard.

Isla Ilo wareedyadaas ayaa sheegaya in ay Real Madrid 28 jirka reer Belguim ka bixin doonto 116 oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Belguim dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale The Sun ayaa sheegtay in uu xiddigu sanadkii jeebka ku shuban doono lacag dhan 17 milyan oo euro sanadkii mushaharkiisa isaga oo saxiixi doona heshiis 6 sano ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here