Sirtii Ka Dambaysay Kulankii Dhex Maray Ousmane Dembélé & Zinedine Zidane Oo La Ogaaday

Wargayska Mundo Deportivo ayaa kashifay sirtii ka dambaysay kulankii xiddiga Barcelona ee Ousmane Dembélé iyo tababarihii hore ee Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ku dhex maray dalka Imaaraadka.

Xiddiga 21 jirka ah ee reer France ayaa fasaxiisa ku qaadanaya Dubai isaga oo la socda saaxiibkiisa ugu dhaw si ay u nastaan wakhtiga ay ku jiraan ciida gaalada.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Dembélé ka faa,iidaystay la kulanka halyeeyga reer France kadib markii ay isku arkeen Dubai isaga oo waydiistay in uu sawir la galo.

Waxa xusid mudan in ay labada xiddig yihiin qaar ku guulaystay koobka adduunka kadib markii uu Zidane France ku hogaamiyay koobka adduunka sanadkii 1998 halka uu Dembélé France kula guulaystay koobka sanadkan 2018.

Dembélé ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kooxdiisa Barcelona inkasta oo uu sameeyay ficilo badan oo ka xanaajiyay kooxdiisa Muran badana dhaliyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here