Sir Alex Ferguson Oo La Xaqiijiyey Inuu Waqtigii Nasashada U Tegay Ciyaartoyga Man United, Shaxdii Uu La Dejiyey Iyo Qaabkii Uu Uga Caawiyey Guushii Mucjisada Ahayd

0

Manchester United ayaa guul taariikhi ah xalay ku dishay PSG oo ay ku wada ciyaareen garoonka Parc des Prince ee magaalada Paris, taas oo United ay ugu soo gudubtay wareegga siddeeda ee tartanka Champions League.

Manchester United oo ay ka maqnaayeen 10 ka mid ah ciyaartoygeeda safka koowaad, ayaa waxay u tagtay PSG iyadoo kulankii hore lagaga adkaaday 2-0, hase yeeshee waxay keentay guul cajiib ah oo ay kaga takhalustay kooxda reer France oo guusha isasii siisay.

Manchester United ayaa qaybtii hore ku dhamaysatay 2-1 ay hoggaanka ku haysay, waxaana qaybtii labaad ay mar kale sii wadday qaab ciyaareedka PSG u diiday inay soo gudubto, dhamaadkii ciyaartana waxay heleen rikoodhe uu u dhaliyey Marcus Rashford.

Haddaba guushan ayaa waxa qayb weyn ka ahaa tababarihii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson oo ciyaartoyga ugu yimid qolka labbiska waqtigii nashada.

Sida uu qoray wargeyska Daily Star ee kasoo baxa UK, Sir Alex Ferguson ayaa kasoo degay dusha sar ee garoonka oo ay wada fadhiyeen Ed Woodward, waxaana uu usoo galay xiddigaha kooxda oo nasasho ku jira, isla markaana dhegaysanaya shaxda uu tababare Ole Gunner Solskjaer doonayo inay ku ciyaaraan qaybta labaad.

Ferguson oo hadalka kala wareegay Solskjaer ayaa waxa uu bilowgiiba u sheegay xiddigaha kooxda inay si fiican hawsha u wadaan, kaddibna waxa uu la dajiyey khidadda iyo farsamada ay ugu dambaynta guusha ku gaadheen.

Tababare Solskjaer oo la weydiiyey haddii uu caawin ka helay intii ay ciyaartu socotay Feguson ayaa si buuxda u sheegay inay kaliya kulmeen markii ay ciyaartu dhamaatay oo uu qolka labbiska ugu yimid si uu ugu hambalyeeyo, hase yeeshee, wargeyska Daily Star waxa uu sheegay in ruug-caddaagaasi uu u yimid Manchester United waqtigii nasashada oo uu qayb weyn ka ahaa guusha ay kooxdu gaadhay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here