Sir Alex Ferguson Oo Kusoo Laaban doona Shaqada Man United, Qaabkee Ayay Shaqadaasi Noqon Doontaa?

Sir Alex Ferguson ayaa kusoo laaban doona shaqada Man Utd sida ay sheegayaan warar soobaxaya, Shaqadaas ayaana noqon doonta mid la talin ah si uu uga caawiyo kooxda inay kusoo laabtaan maalmihii guulaha, kuwaasoo u muuqday sanadahan danbe inay sii lumayaan.

Tababaraha Halyeyga ah ayaa ka tagay Macalinimada Kooxda Sanadkii 2013 ka dib 26 sano oo uu kooxda koobaad ee Man Utd soo maamulayey, SAF ayaana kula guulaystay wakhtigaasi koobab gaadhaya ilaa 38 koob oo waawayn.

Ferguson ayaana hada kusoo laaban doona kooxda isagaoo noqon doona la taliye sida ay soo tabinayso The Sun, Sir Alex Ferguson ayaana door wayn kulahaa in kooxdu u magacawdo tababare ku meelgaadh ah Ole Gunnar Solskjaer.

Sidoo Kale wararka ayaa ku daraya in Ferguson uu lahaa fikirka dib usoo celinta caawiyihiisii hore ee Mike Phelan. Gudoomiye kuxigeenka Kooxda Ed Woodward ayaana horaantiiba u sheegay Fergie in ay soo dhamaatay dulqaadkii uu uhayey Jose Mourinho lana gaadhay wakhtigii Albaabka latusi lahaa Macalinka reer Portugal, taas ayaana keentay in 76 jirkaan uu door wayn ku lahaado cidii badali lahayd wakhtiga dheer Mourinho.

Qof aan lasheegin magaciisa ayaa yidhi “Markii Woodward uu la hadlay Glazers una sheegay in uu doonayo in uu Baxo Jose, waxa uu ubaahday inuu helo cida saxda ah ee ku haboon kooxda ugu yaraan wakhti gaaban.” “ markaas ayay ahayd markii Fergie uusoo galay (arinka) wuxuuna ka caawiyey isaga (woodward) inuu hubiyo arimaha guud ee Solskjaer iyo Phelan.”

Hadii Uu Ferguson kusoo laabto kooxda ayaa lafilayaa inay Man Utd kusoo laabato maalmihii wacnaa ee la dhamaaday wakhtigiisii. Waxaana hadaba la arkay isbadalka ku yimi United kulankii ugu horeeyay ee ay ciyaareen inta uu maamulka hayey Solskjaer waxayna soo bandhigeen ciyaar qurux badan iyaga oo ku badiyey goolashii ugu badnaa tan iyo waayihii Fergie.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here