Siduu Noqon Doonaa Qorsha Man United Ee Kulanka PSG? Ole Gunnar Solskjaer Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyay.

0

Manchester United ayaa buur dheer u fanan doonta sidii ay ugu soo bixi lahayd wareega sideed dhamaadka Champions league kadib guuldaradii 2-0 ka ahayd ee Old Trafford kaga soo gaadhay PSG, laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo bandhigay waxa uu qorshahooda Paris noqon doono.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo bandhigay sida ay u doonayaan in ay ku xaliyaan dhibaatadii ka soo gaadhay PSG wuxuuna muujiyay in ayna difaacasho gali doonin balse ay samayn doonaan qaabkii ay ciyaarta ugu guulaysan lahaayeen goolal badan wuxuuna diiday in ciyaartoyda kooxdiisu ay diirada saaraan in ay guul ku gaadhaan 2-0 oo ah isla natiijadii PSG guusha ku gaadhay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa masuuliyad wayn saaray ciyaartoyda kooxdiisa wuxuuna hor dhigay tartanka ah in ay shaqo layaableh qabtaan inkasta oo ay dhaawcyo dhibaato wayn ku yihiin qorshihiisa ciyaareed.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya kulanka PSG ayaa yidhi: “Waxaanu doonaynaa in aanu halkaas tagno oo aanu ciyaarta ku raaxaysano.Waxaanu ognahay sida ay u tahay meel adag in la yimaado isla markaana iyagu xaqiiqdii si fiican ayay ugu ciyaareen Old Trafford, sidaa daraadeed, tartan wayn ayay ciyaartoydayada ku tahay in aan ay halkaas u soo baxaan oo ay muujiyaan waxa ay qaban karaan”.

Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya nooca natiijada uu doorbidayo ayaa yidhi: “In aanu 4-2 ku guulaysano ayaanu ka door bidaynaa in aanu isku dayno in aanu helno 2-0. Waa in aanu waqtiga nasashada helno wax ka fiican waxa aanu hadda haysano, haddii aad waqtiga nashada heli karto 1-0, kadib wax kasta ayaa qaybta labaad ka dhici kara”.

Intaa kadib Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorshihiisa sharaxaad ka sii bixiyay wuxuuna yidhi: “Halkaas ayaanu tagi karnaa oo aanu gool ku dhalin karnaa isla markaana aanu qalalaase ka samayn karnaa 15-20 ka daqiiqo ee ugu danbeeya. Guul layaableh ayay u noqon kartaa ciyaartoyda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here