Sidee Ayuu Mohamed Salah Liverpool Uga Hor Istaagi Karaa Ku Guulaysiga Horyaalka Premier league?

Khabiirka BT Sport ee Chris Sutton ayaa sheegay in uu xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah sabab u noqon karo in ay Liverpool ku guulaysan waydo horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Chris Sutton ayaa rumaysan in Is tuur-tuurka Mohamed Salah Khatar ku yahay kooxda Liverpool kana hor istaagi karo in ay ku guulaystaan horyaalka xilli ciyaareedkan.

Mohamed Salah ayaa diirada u saaran adduunka todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii uu Istuur ku helay rikoodhe kulamadii Brighton , Arsenal & Newcastle.

Xiddiga reer Masar ayaa lagu dhaleeceeyay is tuurkiisa iyo in uu si dhib yar ku dhoco xilli uu mar kale kulankii Crystal Paalce iska dhacay mar ay kubada ku loolamayeen Mamadou Sakho.

Salah ayaa kubad kula loolamayay xiddigii hore ee Liverpool laakiin 2 gool ka dhaliyay kooxda Crystal Palace guulna ku hogaamiyay kooxdiisa.

Laakiin Khabiirka Sutton Ayaa u digay xiddigii ugu fiicnaa premier League sanadkii hore una sheegay in uu dhisanayo sumacd xumo hadii uu is tuur-tuuro.

“Mar walba oo uu Is tuuro waxa uu Khatar ku yahay in ay Liverpool waydo horyaalka premier League, Istuuristii Crystal Palace waa midii 2-aad tan ilaa bishii hore ee uu Mohamed Salah si dhib yar u dhacay”ayuu u sheegay Daily mail.

“Hadii uu sii wado is tuurista waxa uu khatar u galaya in uu ganaax ugu yaraan 2 kulan ah kala kulmo FA-ga, Liverpool ayaana u baahan kaliya in ay bar-baro gasho si ay Man City ugala wareegto hogaanka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here