Sidee Ayuu Jurgen Klopp Uga Qayb Qaatay Guuldaradii Ay Newcastle Gadhka U Galisay Man City, Qaab Farsamaysan Ayuu Ugu Lug Lahaa.

0

Kooxda Man City ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Newcastle United kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 24-aad.

Wargayska Daily Mirror ayaa sharaxay qaabkii uu tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uga qayb qaatay guuldaradii soo gaadhay Man City kulankii xalay.

Man City ayaa inta badan ee qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan ka hor ciyaari doonta Liverpool kulamada taas oo ay dad badan u arkaan in ay faa,iido u tahay Man City maadama ay Liverpool Ciyaari doonto maalinta ka dambaysa Kulanka Man City taasna cadaadis ku noqon doonto in ay badiyaan.

Shalay galabtii ayaa Jurgen Klopp la waydiiyay intii uu ku guda jiray shirkii ka horeeyay kulanka Leicester City in uu u malaynayo ka hor ciyaarista Man City ee inta badan ee qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan ay faa,iido u tahay Man City marka laga hadlayo tartanka loogu jiro Horyaalka.

Laakiin Klopp ayaa Isticmaalay ciyaar Maskaxeed uu si maldahan sabab ugu noqday guuldaradii Man City ka soo gaadhay Newcastle.

Klopp ayaa rintaas ka yidhi” Aniga ahaan ma samaynayso wax farqi ah”.

“Waxa aan filayaa in ay Man City badiso kulan kasta, waxa aan waliba filayaa in ay garaaci doonto Newcastle laakiin waan daawan doonaa kulanka”.

Klopp ayaana shaki la,aan farxad ku seexday xalay kadib markii uu daawaday Newcastle oo garaacday Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here