Sidee Ayay Man United Kooxda Real Madrid Uga Hor Taagantahay In Ay Tababare Ka Dhigato Jose Mourinho Inkasta Oo Shaqada Ka Caydhisay?

0

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay sabab u noqoto in uu Jose Mourinho tababare u noqon waayo kooxda Real Madrid.

Los Blancos ayaa ku jirta xilli ciyaareed aad u liita iyaga oo haatan fadhiya kaalinta 5-aad iyaga oo 10 dhibcood ka dambeeya kooxda Barcelona kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Real Sociedad.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samysay jose Mourinho si ay ugu badalaan Santiago Solari oo ah tababarihii 2-aad oo xili ciyaareedkan ah.

Solaria ayaa shaqada ka badalay Julen Lopetegui bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin ku fashilmay in uu dhanka kale u rogo xilli ciyaareedka kooxda.

Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa si aad ah u doonaya in uu tababare Jose Mourinho ku soo celiyo shaqada Bernabeu.

Laakiin tababaraha isku magacaaba Special One ayaa shaqada Man United laga caydhiyay kadib markii ay kooxdu ku bilaabatay sidii ugu xumayd taariikhdeeda.

Tababare Jose ayaa ilaa haatan dhawr shaqo loo soo bandhigay si uu ugu soo laabto shaqada tababaranimo laakiin tababaraha ayaa wada diiday sabab la xiriirta in uu Man United wadahadalo kula jiro sidii uu uga heli lahaa lacagtii mushaharkiisa kadib shaqo ka caydhintii sida laga soo xidgtay wargayska The Sun.

Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu Ka doonayo United lacag dhan 15 milyan oo euro xilli uu wakiilkiisa Jorge Medenz codsaday in uu la kulmo gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here