Sheeko Xasaasi Ah: Lionel Messi Oo Loo Diiday In Uu Soo Galo Dalka England, Siday U Dhacday Sheekadu.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay caawa Old Trafford kula ciyaarto kooxda Man United kulan si weyn loogu hayo indhaha kana tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Xiddigaha Barcelona ayaa shalay soo gaadhay magaalada Manchester si ay isugu diyaariyaan kulanka caawa ka dhici doona Old Trafford kana tirsan tartanka champions League.

Dadka oo dhan ayaa haatan is waydiinaya qaabka ay man United u joojin doonto khatarta Lionel Messi waliba qaab ciyaareedkiisa sixirka ah ee uu ku jiro xilli ciyaareedkan.

Xalka ayaa noqday in Lionel Messi gabi ahaan loo diido in uu soo galo England waliba laga celiyo madaarka magaalada Manchester inta uuna soo galin magaalada.

Shaki la,aan wax dhibaato ah ma dhicin oo Lionel Messi loogu diiday in uu soo galo England laakiin arinta dhacday ayaa ah dhacdo la yaab leh iyada oo mid ka mid ah shaqaalaha Amaanka Madaarku balan qaaday in ayna Lionel Messi u ogolaan in uu soo galo garoonka diyaaradaha.

Mid ka mid ah shaqaalaha Amaanka madaarka waliba taageero weyn u ah kooxda Man United ayaa Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Quinton Fortune u balan qaaday in ayna Lionel Messi u ogolaan doonin in uu soo galo magaalada si ay u caawiso kooxda Man United.

Lionel Messi ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 43 gool oo tartamada oo dhan ah sidoo kale caawiye ka noqday 21 kale 40 kulan oo uu ciyaaray.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here