Sheeko Cusub: Sirta Ka Dambaysa Guulaha Xiriirka Ah Ee Man United Oo La Ogaaday, Yaa Ka Dambeeya?

Tababaraha Ku Meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cajiib ah ku bilowday shaxdiisa Man United isaga oo kooxda ku hogaamiyay guushii 5-aad oo xiriir ah premier League iyo guushii 6-aad oo tartamada oo dhan ah.

Laakiin Tababarihii hore ee koxoda Man United ee Sir Alex Ferguson ayaa shaxda u soo doora tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ole Gunnar Solskjaer sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Norway ayaa Ferguson dib ugu soo celiyay Man United kadib markii uu shaqada kala wareegay Jose Mourinho bartamihii bishii December Khabiirka reer Scotland ayana kooxda Man United ku soo booqda garoonka tababarka laba maalin todobaadkii.

Ole Gunnar Solskjaer sameeyay go,aano waaweyn tan ilaa markii uu kooxda la wareegay iyada oo ay ka mid tahay in uu kaydka dhigo Romelu Lukaku kuna bilaabo xiddiga Marcus Rashford.

Laakiin wargayska Manchester Evening News ayaa haatan kashifay in uu Ferguson sabab u yahay qaab ciyaareedka cajiibka ah ee kooxda isaga oo tababre Ole Gunnar Solskjaer u doora shaxda uu ku galo kulamada.

Ferguson ayaa sheegay in uu Phil Jones ka mid noqon doona xiddigaha Abid ugu weyn taariikhda kooxda, daafaca ayaana ku bilowday dhamaan kulamadii uu Ole Gunnar Solskjaer hayay maamulka kooxda taas oo cadayn u ah in uu tababare Ferguson soo xusho shaxda kulamada.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here