Shaxda Ugu Fiican Premier League Ilaa Haatan & Qiimayntooda Oo La Soo Saaray, 3 Kooxood Ayaa Min 2 Xiddig Ku Leh.

Shabakada whoscored.com Ayaa soo saartay shaxda ugu fiican premier Leageu ilaa haatan xilli ciyaareedkan iyo waliba qiimayntooda.

Hogaamiyayaasha premier League ee Liverpool ayaa laba xiddig ku leh qiimaynta shaxda ugu fiican premier league ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Shaki la,aan Virgil Van Dijk ayaa ku soo baxay Shaxda kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay waxana kula biiray xiddiga weerarka uga ciyaara Ee Mohamed Salah.

Inkasta oo ayna 22 kulan oo xiriir ah wax guuldaro ah la kulmin hadana xiddigaha Arsenal ayaa laga dhex waayay Shaxda ugu fiican ilaa haatan.

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City ayaa iyaduna ku leh laba xiddig oo kala ah Fernandinho & Raheem Sterling.

Xiddigaha Eden Hazard iyo David Luiz ayaa dhanka chelsea ka martalaya shaxda halka Harry Kane iyo Hugo Lloris ay ka soo galeen Tottenham.

Xiddiga kaliya ee Man United ah ee ka soo muuqday shaxda ayaa ah xiddiga khadka dhexe ee Pual Pogba kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Labada Boos ee kale ayay buuxiyeen laba xiddig oo ka ciyaara kooxaha ka baxsan 6-da boos ee ugu sareeya iyada oo ay ku soo bexeen Lucas Digne oo u ciyaara Everton iyo Ricardo Pereira oo u ciyaara Watford.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here