Shaxda Riyada: Qaabka Ay Noqon DOonta Shaxda Man United Ee Xilli Ciyaareedka Dambe Kadib Markii United Shaacisay Bartilmaameedyada Xagaaga

Man United ayaa shaki la,aan ka mid noqon doonta kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe hadii ay helaan xiddigaha ay bartilmaameedka 1-aad ka dhigteen suuqa xagaaga.

Red Devils ayaa lacag badan galin doonta suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo haatanba diyaarsatay xiddigaha diirada u saaran.

Muhiimadooda 1-aad ayaa u muuqda xoojinta daafaca dhexe kadib markii 36 gool laga dhaliyay 28 kulan oo ay ciyaareen premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Chris Smalling & Phil Jones ayaa dhaleecayn xoogan kala kulmay taageerayaashooda inkasta oo ay labada xiddigba saxiixeen heshiis cusub oo wakhti dheer ah.

United ayaa u baahan daafac dhexe oo heer caalami ah waxana ay United bartilmaameed ka dhigatay xiddigaha Kalidou Koulibaly & Milan Skriniar.

Labada xiddig ayaa ka ciyaaraya horyaalka Serie A-da iyaga oo ku jira qaab ciyaareed fiican xilli laga yaabo in Kalidou Koulibaly lagu helo lacag dhan 100 milyan oo euro.

Waxa sidoo kale Liiska United ku jira xiddiga garabka daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka laakiin waxa ay tartan kala kulmi doonaan kooxda Arsenal oo 40 milyan ku doonayso saxiixa xiddiga.

Waxa sidoo kale Liiska United ku jira xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic kaas oo ay Barcelona diyaar u tahayy in ay iibiso.

United ayaan xagaaga u baahnayn xiddigo weerar ah maadama ay haatanba kooxdu haysato xiddigaha Marcus Rashford, Romelu Lukaku, Anthony Martial, Alexis Sanchez & Jesse Lingard.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Ay Noqon Doonto Shaxda Man United hadii ay helaan bartilmaameedyadooda:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here