Kooxda Man City ayaa goordhaw la ciyaari doonta kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier league.
City ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo uu cadaadis ku saaran yahay in ay 4 dhibcood ku soo celiso dhibcaha ay ka dambayso Hogaamiyayaasha premier league.
Huddersfield oo tababare cusub yeelatay ayaa dhankeeda u dagaalami doonta sidii ay uga fogaan lahayd booska looga hadho horyaalka.
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka:
Huddersfield: Lossl, Smith, Schindler, Kongolo, Lowe, Hogg, Puncheon, Bacuna, Kachunga, Diakhaby, Mbenza
Man City: Ederson, Walker, Laporte, Otamendi, Danilo, Fernandinho, Gundogan, De Bruyne, Sane, Sterling, Aguero
Kaydka: Muric, Stones, Delph, B Silva, D Silva, Jesus, Foden
Advertisement