Shaxda Laga Yaabo In Uu Maurizio Sarri Kaga Hor Tago West Ham Kulanka Caawa

0

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee West Ham kulan ka tirsan horyaalka premier League toodbaadkii 33-aad kaan dhici doona Stamford Bridge.

Maurizio Sarri ayuu hor yaalaa go,aano badan oo madax xanuun ah oo ku saabsan shaxdiisa marka uu ka hor tagayo kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Chelsea ayaa sii wadi doonta tartanka ay ugu jirto u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe marka ay martk galin doonaan kooxda ay jaarka yihiin ee West Ham.

Sarri ayaa si weyn loo filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa kulankii uu kaga hor tagay kooxda Brighton iyada oo laga yaabo in uu kaydka ku celiyo xiddiga Callum Hudson-Odoi kaas oo wacdaro dhigay kulankaas.

Hazard, Giroud iyo waliba Willian ayaa la filyaa in ay hogaamiyaan weerarka kooxda chelsea halka khadka dhexe laga yaabo in uu ku bilaabo xiddigaha Kante, Barkley iyo Jorginho.

Daafaca ayaa la filayaa in uu ku bilaabo xidigaha Palmieri, Azpilicueta, Ruddier iyo Luiz halka goolka uu ku bilaaban doono Goolhayaha 1-aad ee Arrizabalaga

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda laga yaabo In Uu Sarri Kaga Hor Yimaado West Ham:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here