Shaxda Laga Yaabo In Ay Real Madrid Kaga Hor Tagto Eibar

Kooxda Real Madrid ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii 2/1 ahayd ee Arbacadii ka soo gaadhay kooxda Valencia kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga marka ay maanta marti galin doonaan kooxda Eibar.

Guuldaradaas ayaa keentay in ay Los Blancos 5 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 2-aad ee Atletico Madrid halka ay 13 dhibcood ka dambayso kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Zinedine Zidane ayaa markii 2-aad ku soo laabtay shaqada tababaranimo ee Real Madrid isaga oo laba guulood ku bilowdo laakiin mar kale wajahay dhibaatada ay Real ku caan baxday xilli ciyaareedkan.

Zidane oo ay Liiskiisa ka maqan yihiin xiddigo badan oo muhiim ah ayaa si weyn u filaya in ay xiddigihiisu ka fal celiyaan kuna soo laabtaan wadada guulaha kulanka Eibar.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo qaabka laga yaabo in uu Zidane ku soo galo kulanka maanta:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here