Shaxda Laga Yaabo In Ay Man City Kaga Hor Tagto Kooxda Burton Albion Semi-finalka Lugta 2-aad Ee Carabao Cup-ka

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ku qasbanaan doona in uu koox adag ku soo galo kulanka Burton Albion inkasta oo ay kooxdiisu 9/0 ku badisay lugtii hore.

Man City ayaa kooxda Burton Albion la ciyaari doonta lugta 2-aad ee semi-finalka Carabao cup-ka iyaga oo xaqiiqsaday booskooda Filan-ka kadib markii ay guul weyn ka gaadheen kooxda.

Xiddigaha Gabriel Jesus (4),Kevin De Bruyne, Oleksandr Zinchenko, Phil Foden, Kyle Walker & Riyad Mahrez ayaa goolasha u dhaliyay City.

Pep Guardiola ayaa la filayaa in uu nasiyo xiddigo badan oo kooxda ah isaga oo ku soo gali doona shax u badan da,yar maadama uu mar horeba kooxdiisu xaqiiqsatay finalka.

Si kasta ha ahaatee kooxda da,yarka Man City ayaa dhankooda ciyaaraya quarter-final-ka koobka da,yarka sidaas darteed ma heli doono xiddigo badan oo da,yar ah.

Xiddigaha Philippe Sandler, Adrien Bernabe & Nabil Touaizi ayaa la filayaa in uu tababare Pep Guardiola siiyo kulamadoodii ugu horaysay ee kooxda 1-aad.

Goolhaye Aro Muric ayaa shaki la,aan goolka ka badali doona Ederson maadama uu Claudio Bravo dhaawac kaga maqan yahay kooxda.

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda Laga Yaabo In Uu Guardiola Ku Soo Galo Kulanka:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here