Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kooxaha Liverpool Iyo Tottenham – Wiilasha Jurgen Klopp Oo Awood Ku Qabsaday & Xiddigaha Labada Dhinac Ugu Soo Baxay.

Shabakada SportsMole ayaa soo xulatay shaxdeeda isku dhafka ah ee kulanka weyn ee caawa ay wada yeelan doonaan kooxaha Liverpool iyo Tottenham oo ka qabsoomaya Anfield Road.

Liverpool ayaa haatan 15 dhibcood ka horreysa Spurs walow ay hal kulan oo dheeri ah ciyaareen, Markale Reds ayaa kaashanaya rekoodhka wanaagsan ee ay ka haystaan kooxda ree London ee ah inay kaliya hal mar Anfield guuldarro kagala kulantay 24-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Sidoo kale Tottenham ayaa kaliya 7 dhibcood ka haysata kulamada ay lixda kooxood ee waaweyn lasoo ciyaartay xilli ciyaareedkan halka kooxda tababare Klopp ay 13 dhibcood kasoo heshay kulamadaas.

Si kastaba, Shaxda SportsMole ayaa ah mid ay awood ku dhex muujisay Liverpool waxaana ay ku yeelatay 8 ciyaartoy iyadoo dhinaca Spurs ay kasoo muuqdeen kaliya saddex ciyaartoy.

Ugu horreynba booska goolhayaha ayaa loo xushay Alisson Becker kaas oo 17 kulan oo horyaalka ah shabaqiisa soo ilaashaday waxaana uu kasoo hormaray goolhaye Lloris oo isagu sagaal kulan shabaq nadiif ah la baxay.

Daafaca midig ayaa loo xushay da’yarka Liverpool ee Arnold oo booska ka helay Trippier oo isagu hoos u dhac muujinaya halka daafaca bidix uu qabsaday Robertson, Ugu dambayn daafaca dhexe waxa sida la filan karo ku jira Van Dijk oo saamayn weyn ku leh safka Klopp sanadkan waxaana kula midaysan Vertonghen.

Khadka dhexe ayaa ah mid ay markale ku awood badatay Liverpool, Iyadoo ay dhaawacyo hadheeyeen Wanyama iyo Dele Alli ayuu Eriksen yahay xiddiga kaliya ee Spurs ah ee shaxdan khadka dhexe kaga jira halka labada boos ee kale ay buuxiyeen xiddigaha laf dhabarta u ah Reds ee Wijnaldum iyo Fabinho.

Ugu dambayn, Labada garab ayay ka kala ciyaarayaan Mohamed Salah oo dhawaanahan hoos u dhac muujinaya haddana kasoo hormaray Son sidoo kale Sadio Mane oo isagu kulamadii ugu dambeeyay gool dhaliye la hubo noqday halka uu weeraryahanka dhexe ku jiro Harry Kane oo ah mashiinka Tottenham ee goolasha.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here