Shaxda Barcelona Oo Qiimo Waali Ah Ku Fadhida & PSG Oo Sabab U Ah

Kadib markii ay PSG si lama filaan ah Barcelona uga afduubatay Neymar xagaagii 2017 miiskana saartay lacagtii lagu bur-burin karay heshiiskiisa ee ahayd 222 milyan euro, Barcelona ayaa balan qaaday in ayna mar kale dhicin waxaas oo kale.

Barcelona ayaa kor u qaaday lacagaha lagu bur-burin karo heshiiska xiddigaha kooxda 1-aaad ee Barcelona iyaga oo xidhay isla marka ay heshiiska saxiixaan.

Ugu Horayn Lionel Messi ayay kooxdu heshiis cusub ka saxiixatay waxana markii hore heshiiskiisa lagu bur-burinayay 400 laakiin haatan waxa lagu bur-burin karaa 700 oo milyan.

Kadib arintaas waxa jira xiddigo dhawr ah oo ay kooxdu hehsiisyo cusub ka saxiixatay kadib kor u qaaday lacagta lagu bur-burin karo heshiiskooda sida Sergi Busquets, Gerard Pique, Samuel Umtiti, Sergi Roberto Iyo Jordi Alba.

Taas ayaa la macno ah in ay shaxda Barcelona ku fadhido lacag dhan 4.5 bilyan euro halka xiddiga ugu lacagta yar yahay Ivan Rakitic kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo 125 milyan euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here