Shaqsigii Eden Hazard Ka Hor Istaagay Ku Biirista Man United Oo La Ogaaday

Eden Hazard ayaa ka mid ah xiddiga ugu fiican kooxda chelsea sanadihii ugu dambeeyay isaga oo waliba Blues u dhaliyay goolal badan kulana guulaystay koobab tan ilaa markii uu yimid.

Laakiin Arinta ayaa noqon lahayd qaab kale hadii uuna Joe Cole Hazard ku qancin in uu isaga diido Man United kuna biiro kooxda Chelsea.

Cole ayaa amaah kula joogay kooxdii hore ee Eden Hazard ee Lille isaga oo ka garab ciyaaray xiddiga reer Belguim sanadkii 2012.

Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga reer Belguim halka ay sidoo kale Man City xiiso u haysay xilli ay chelsea dalab ka gudbisay dhakeeda.

Blues ayaa miiska saartay dalab dhan 32 milyan oo euro Cole ayaana sabab u ahaa in uu Hazard ku biiro kooxda Chelsea sanadkaas.

Cole ayaa la waydiiyay qaabkii uu Hazard ugu qanciyay in uu ku biiro kooxda Chelsea ” Maxay ahayd sirtii ka dambaysa ee aad Hazard ugu qancisay in uu ku biiro Blues?.

“Uma malaynayo in aan aqoonsi kugu filan hesho sababta oo ah adiga ayaa sabab u ah in uu joogo Chelsea”.

“Hagaaga, wax lacag ah kuma helin arintaas, ma doonayo in aan been sheego, kooxda wax lacag ah kagama helin dadaalkaas”.

“Waxa ay ahayd wakhtigii aan ka wada ciyaaraynay Lille waxana ku raad joogtay Man United”.

“Kadib waxa aan ka wada hadalnay meesha uu tago maadama ay kooxo waaweyn doonayeen”.

“Waxa aan ku idhi” dhagayso, ma ka fikirtay chelsea, hadii ay xiiso kuu qabaan?, “Waxan u malaynayaa in aan si fiican ula qabsanayso London”.

“Waxan u malaynaa in uu jeclaaday magaalada kadib uu jelaaday kooxda, Qoyskiisa ayaana si fiican u dagay wuuna ku faraxsan yahay”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here