Shanta Xiddig Ee Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Sanadka 2018, Messi Ayaa Hogaaminaya

0

Waxa si Rasmi ah maalinta salaasada u dhamaan doona sanadka 2018 iyada oo la gali doono sanadka cusub ee 2019.

Sanadkan ayay xiddigo badan dhaliyeen goolal badan hadii ay noqoto xulalkooda qaramada ama kooxohooda ay u ciyaareenaa.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan sanadka 2018 kadib markii uu dhaliyay 52 gool oo uu u dhaliyay xulka qarankiisa iyo kooxda Barcelona.

Lionel Messi ayaa ka horeeya xiddiga Cristiano Ronaldo oo u ciyaara kooxda Juventus kaas oo dhaliyay 49 gool oo uu u dhaliyay Portugal, Real Madrid iyo kooxdiisa haatan ee Juventus.

Robert Lewandowski ayaa ku xiga kaas oo dhaliyay 46 gool oo uu u dhaliyay kooxdiisa Bayern Munich iyo xulka qarankiisa Poland.

Waxa kaalinta 4-aad ku jira xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo dhaliyay 42 gool oo uu u dhaliyay kooxdiisa Liverpool & Xulka qaranka Masar

Waxa ugu dambeeya xiddiga kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France ee Antoine Griezmann kaas oo dhaliyay 39 gool oo uu u dhaliyay xulkiisa iyo kooxdiisa.

Halkan Hoose Kaga Bogo 5-ta xiddig ee ugu goolasha badan sanadka 2018:

Lionel Messi (Barca/Arg) 51 gool & 16 caawin

Cristiano Ronaldo (Real/Juve/Portu) 49 gool & 13 caawin

Robert Lewandowski (Bayern/Pol) 46 gool & 8 Caawin

Mohamed Salah (Liver/Mas) 42 gool & 15 Caawin

Antoine Griezmann (A.Madrid/Fran) 39 gool & 6 Caawin

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here