Shanta Xiddig Ee Caawinta Ugu Badan Ka Sameeyay Premier League Xilli Ciyaareedkan, Hazard Ayaa Hogaaminaya.

Kubada cagta ayaan wakhtigii ugu dambeeyay la eegin kaliya xiddigaha goolasha ugu badan ka dhaliya kubada cagta laakiin waxa la eegaa ama la qiimeeyaa meelo badan.

Caawinta goolasha ayaa ah mid ay xiddigaha qaar ka jecel yihiin dhalinta iyaga oo mar walba caawiye ka noqda goolasha kooxdiisu dhaliyaan.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa ah xiddiga caawinta ugu badan ka sameeyay premier League ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Belguim ee Eden hazard ayaa caawiye ka noqday 10 gool 26-kii kulan ee uu ciyaaray horyaalka premier League.

Hazard ayaan waxba ka samayn ugu yaraan 4 xiddig kuwaas oo dhiibay 9 caawin waliba kala ah Christain Eriksen, Ryan Fraser, Leroy Sane iyo Rahaam Sterling.

Hadab halkan Hoose Kaga Bogo 5-ka xiddig ee ugu caawinta badan Premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here