Shanta Tababare & Shanta Xiddig Ee Champions League Kula Guulaystay Laba Kooxood Oo Kala Duwan & Wax Ka Badan

Xilli ciyaareedkii hore Zinedine Zidane iyo Real Madrid ayaa sameeyay mucjiso kuna guulaystay markii 13-aad Taariikhdooda iyo markii 3-aad oo xiriir ah iyaga oo noqday kooxda kaliya ee sidaas samaysay taariikhda tartanka.

Ku guulaysiga champions League halka mar ayaa ah shaqada ugu adag ee uu tababare iyo xiddig kasta qaban karo marka laga hadlayo tartanka ugu qiimaha weyn.

Laakiin waxa jira xiddigo iyo tababarayaal badan sida Samuel Eto’o, Cristiano Ronaldo, Xabi Alonso iyo waliba xiddigo kale oo badan oo tartanka ku guulaystay hal mar iyo wax ka badan waliba kula guulaystay kooxo kala duwan.

Sidoo kale waxa jira tababaryaal tartanka champions League kula guulaystay laba kooxood oo kala duwan taariikhdooda kubada cagta.

Inkasta oo ay jiraan xiddigo iyo waliba tababaryaaal tartanka champions league kula guulaystay koox kaliya hal mar iyo wax ka badan.

Laakiin waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha iyo tababaryaasha kula guulaystay tartanka champions League laba kooxood oo kala duwan.

Tababaryaaasha Champions League kula guulaystay laba kooxood oo kala duwan:

Carlo Ancelotti (Real Madrid & A.C. Milan)

Jose Mourinho (Inter Milan & FC Porto)

Ernst Happel (Feyenoord & Hamburg)

Jupp Heynckes (Real Madrid & Bayern Munich)

Ottmar Hitzfeld (Borussia Dortmund & Bayern Munich)

Xiddigaha Champions League kula guulaystay 2 kooxood iyo wax ka badan:

Clarence Seedorf (Ajax Amsterdam, Real Madrid & AC Milan).

Samuel Eto’o (Barcelona & Inter Milan).

Marcel Desailly (Marseille & Ac Milan).

Cristiano Ronaldo (Man United & Real Madrid).

Toni Kroos (Bayern Munich & Real Madrid).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here