Shan Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League

0

Tartanka champions League ayaa maraya meel xiiso badan iyada oo ay isugu soo hadheen 16 kooxood waliba la ciyaaray qaybtii hore ee kulamada 16-ka.

Todobaadkan ayaa la ciyaari doonaa kulamada kale ee lugta 1-aad iyada ay sidaas ku dhamaystirmi doonaan kulamada hore ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Wareega 16-ka ayay ku hadheen kooxo awood badan kuwaas oo u dagaalami doona sidii ugu guulaysan lahaayeen tartanka sanadka.

Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda difaacanaysa tartanka iyada oo xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay halka Liverpool tahay kooxdii gaadhay finalka tartanka xilli ciyaareedkii hore.

Khabiirada kubada cagta ayaa saadaaliyay shan kooxood oo ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League Xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Real Madrid, Liverpool, PSG, Barcelona & Juventus Ayaa Ah Kooxaha shanta ah ee sida weyn loogu saadaalinayo ku guulaysiga tartanka champions League Xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here