Sergio Ramos Oo Tilmaamay Furaha Ka Caawin Doona In Ay Garaacaan Barcelona Lugta 2-aad Ee Copa Del Rey-ga

0

Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa fariin u diray taageerayaasha Kooxdiisa kadib bar-barihii ay la galeen kooxda Barcelona lugta 1-aad ee Semi-finalka tartanka Copa Del Rey-ga.

Kulankii El Clasico ayaa ku dhamaaday bar-baro min hal gool ah kaas oo ka dhacay garoonka Barcelona ee Camp Nou.

Goolasha ciyaarta ayay kala dhaliyeen xiddiga Lucas Vasquez oo dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta iyo Malcom oo goolka bar-baraha dhaliyay qaybtii dambe

Kadib ciyaarta uu Ramos bogeeda Twitter-ka ku soo qoray” Qaab ciyaareed xoogan oo ay soo bandhigeen kooxda dhamaanteed”.

“Garoonka Santiago Bernabue ayaa fure u noqon doona in aan u gudubno finalka tartanka, Taageerayaashuna waxa ay ka mid noqon doonaan furaha guusha”.

Waxa xusid mudan in 27 bishan aynu haatan ku jirno kulanka lugta 2-aad ee tartanku ka dhici doono garoonka Santiago Bernabue.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here