Sergio Ramos Oo Baacsi Ugu Jira Rikoodh U Yaala Raul Gonzalez

Kadib markii uu saftay kulankiisii 600-aad ee kooxda Real Madrid kabtanka Kooxda Real Madrid ayaa isha ku haya rikoodh kale oo u yaala Halyeeyga Raul Gonzalez.

Sergio Ramos ayaa haatan baacsiga ugu jira rikoodh Raul u yaala Real Madridkaas oo ah in uu kooxda u ciyaaro 741 kulan tartamada oo dhan.

Ramos ayaa 14 xilli ciyaaareed u saftay kooxda Real Madrid waxana uu sanad walba u ciyaaray 42 kulan oo tartamada oo dhan ah cel-celis ahaan.

Si uu u gaadho rikoodhka Raul waa in uu sii wado ku jirista qaabkiisa ugu fiican si uu ugu sii jiro shaxda kooxda Real Madrid.

Inkasta oo uu jiro 32 sano waxa uu ku raaxaysanayaa wakhtigii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareedka isaga oo ku jira qaab fiican dhaawacyaduna ka fogaadeen umana muuqato in ay da,du hoos u dhigayso.

Arinta furaha u noqonaysa rikoodhkaas ayaa ah in uu heshiiskiisa Kooxda Real Madrid uga hadhsan yahay 2 sano hadii uu sii ciyaari 42 kulan oo kale ma gaadhi doono rikoodhka Raul inkasta oo uu dhaafi doono 700 oo kulan 30 bisha June sanadka 2021.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here