Sergio Busquets Oo Magacaabay Kooxda Uu Doonayo In Ay Barcelona Kaga Hor Timaado Finalka Champions League

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa magacaabay kooxda uu doonayo in ay Barcelona kaga hor tagto finalka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa kulan adag oo ay Arbacad la ciyaari doonto kooxda Man United kana tirsan lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Hadii ay soo dhaafto Man United Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari karta koox kale oo reer England ah iyada oo la ciyaari doonta kooxda Liverpool hadii ay soo dhaafto Fc Porto.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Sergio Busquets Ayaa la waydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa in uu kaga hor yimaado Finalka champions Leageu xilli ciyaareedkan.

“Dabacan waxa aan rajaynayaa in aan filanka isaga hor nimaadno kooxda Man City iyo Pep Guardiola”ayuu sheegay Sergio Busquets.

Kooxda Man City ayaa dhankeeda u baahan in ay soo dhaafto Juventus iyo Tottenham hadii ay doonayso in ay gaadho finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here