Sergio Aguero: Liverpool Waxay Xilli Ciyaareedkan Muujiyeen Awoodooda Laakiin Halkan Arin Ayaa Naga Go,an Kulanka Khamiista

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Sergio Aguero ayaa caga juglayn iyo Hanjabaad u diray hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool ka hor kulankooda khamiista.

Man City ayaa marti galin doonta Liverpool kulan ka dhici doona Etihad kana tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Aguaro oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xilli ciyaareedkan waxa uu mar kale muujiyay in uu horyaalka premier League yahay midka ugu fiican adduunka”.

“Liverpool waxa ay sanadihii ugu dambeeyay samaysay horuamr fiican oo dhan walba ah waxana ay noqdeen qaar aad u awood badan”.

“Xilli ciyaareedkan waxa ay ilaa haatan muujiyeen awood weyn laakiin ugu dambayn waxa kaliya ee aan doonayno Khamiista ayaa ah in aanu ka badino 3 dhibcoodna ka helno kulanka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here