Sergio Aguero & Aubameyang Oo Cidlo Looga Tagay Iyo Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Premier league Oo Ay Liverpool Dhexdeeda Ku Tartamayso.

0

Kulankii Huddersfield waxa uu gabi ahaanba badalay tartankii gool dhalinta kabta dahabka ee horyaalka Premier league wuxuuna hadda sida ay u taagan tahay u muuqdaa mid Liverpool dhexdeeda loogu tartami doono. Aubameyang iyo Sergio Aguero ayaa culays wayn la sii saaray ka hor kulamada ay ciyaari doonaan.

Intii ayna Liverpool ciyaarin kulankii ay xalay xasuuqa gaysatay ee Huddersfield waxaa isku goolal ahaa saddexda xidig ee Sergio Aguero, Aubameyang iyo Mohamed Salah laakiin afar gool oo ay Sadio Mane iyo Mohamed Salah dhaliyeen ayaa wax walba badalay.

Sadio Mane ayaa awooday in uu ka sare maray Sergio Aguero iyo Aubameyang isaga oo yeeshay 20 gool oo Premier league ah laakiin Mohamed Salah ayaa sii dheeraystay hogaaminta gool dhalinta Premier league kadib markii uu helay laba gool oo uu heerkiisa gool dhalinta xili ciyaareedkan ku gaadhsiiyay 21 gool.

Liverpool ayaa noqtay kooxdii ugu horaysay ee ay hal xili ciyaareed laba xidig u gaadheen 20 gool ama badan oo Premier league ah waxayna Mane iyo Salah soo barbareeyeen rekoodhkan oo ay hore Liverpool u soo dhigtay xili ciyaareedkii 2013/14 kii.

Sergio Aguero ayaan muddo wax goolal ah soo dhalin laakiin hadda waxa uu ku qasban yahay in uu abaarta ka baxo haddii uu doonayo in uu Salah kula tartamo kabta dahabka ah halka Aubameyang uu culays ka dareemi doono kulanka Leicester City maadaama oo ay Gunners xaalad xun ku soo jirtay.

Laakiin Aubameyang iyo Sergio Aguero waxay haystaan min 3 kulan oo ay kula tartami doonaan xidigaha Liverpool halka Mane iyo Salah ay haystaan laba kulan oo ay xifiltankooda kabta dahabka ah ku sii wadan karaan.

Sida ay hadda u taagan tahay waxa uu tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league u dhexeeyaa Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo noqday labadii ciyaartoy ee 20 gool gaadhay.

Kala Saraynta Gool Dhalinta Premier league Ee Sida Ay Hadda U Taagan Tahay:

1- Mohamed Salah- Liverpool= 21 gool

2- Sadio Mane – Liverpool= 20 gool

3- Sergio Aguero- Man City= 19 gool

4- Aubameyang – Arsenal= 19 gool

5-Raheem Sterling – Man City= 17 gool

6- Harry Kane- Tottenham= 17 gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here