Saxiixa Cusub Ee Barcelona Frenkie de Jong Oo Haatanba Sii Sheegay Hal Lambar Oo Uun Barca U Qaadan Doonin & Waliba Sababta.

Xiddiga cusub ee kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa haatanba iska fogeeyay hal Lambar oo uuna u xidhan doonin kooxda Barcelona wax walba oo dhaca marka uu si Rasmi ah ugu biiro kooxda xagaaga dambe.

Frenkie de Jong ayaa diiday in la bar-bar dhigo halyeeyga Barcelona ahna halyeeyga reer Holland ee Johan Cruyff kaas oo kooxda Barcelona u xidhan jiray.

De Jong oo la hadlaya wargayska Voetbal Primeur ayaa yidhi” Marna Ma Xidhan doono Lambarka Barcelona ee No.14 Aniga ilama fiicna in aan xidho Lambar halyeey”

“Hadii aan xidho Halka Arin ee dhici doona ayaa kaliya ah in la i bar-bar dhigo waana in aan isaga fogaado”ayuu hadalkiisa sii raaciyay,

“Waxa aan samayn doonaa in aan isaga fogaado is bar-bardhiga Johan Cruyff si aan ugu raaxaysto kubada cagta iyo in aanan marna noqon doonin sidii Johan Cruyff, kamana fikirayo arintaas”.

Xiddiga reer Holland ayaa sidoo kale noqday xiddigii 20-aad ee reer Holland ah ee xidhan doona maaliyada kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here