Saxiixa Cusub Ee Barcelona Ee Frenkie de Jong Oo Si La Yaab Leh U Doortay Lambarka No.10 Ee Barcelona, Siday Wax U Jiraan?

Kooxda Barcelona ayaa xalay si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Frenkie de Jong kaas oo xagaaga dambe ku soo biiri doona kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

Xiddiga 23 jirka ah ee Frenkie de Jong ayaa doortay Lambarka uu doonayo in uu ka xidho kooxda Barcelona isaga oo si la yaab leh u doortay Lambarka No.10 oo uu haatan kooxda u xidho kabtanka kooxda ee Lionel Messi.

Frenkie de Jong oo la hadlaya Wargayska The Telegraph ayaa yidhi” Lambarkayga Barcelona? wali ma dooran Lambarkayga”.

Xiddiga ayaa kadib la waydiiyay lambarka uu doonayo in uu u xidho Barcelona waxana uu isaga oo qoslaya yidhi”Waxa aan doonayaa in aan helo Lambarka No.10, laakiin waxan u malaynayaa in uu xiddig haatan jooga Camp Nou haysto lambarkaas waana Lionel Messi, uma malaynayo in aan heli doono Lambarkaas”.

23 jirkan reer Holland ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Barcelona ilaa xagaaga 2024.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here