Saxafi Ku Dhaw Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Bur-Buray Xiriirka Mohamed Salah & Jurgen Klopp

0

Waxa maalmihii ugu dambeeyay si weyn la iskula dhex marayay khilaaf soo kala dhex galay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah iyo tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp kaas oo la sheegayo in uu bur-buray gabi ahaan xiriirkii ka dhexeeyay tababaraha iyo xiddiga reer Masar.

Wararka ayaa xitaa sheega in uu xiddiga reer Masar dalbaday in la iska fasaxo dhamaadka xilli ciyaareedkan sida laga soo xigtay wargaysyada AS iyo GFF kuwaas oo laba war oo laba maalin oo kala dambaysa soo saray.

Si kasta ha ahaatee saxafi ku dhaw xiddiga reer Masar ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay xiddiga iyo tababaraha Kooxdiisa ee Jurgen Klopp.

Saxafiga ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Kadib xilli ciyaareed kale oo guul ah waliba ku dhamaan kara in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka premeir League ama Champions League ama Midkood, xiriirka Mohamed Salah iyo Jurgen Klopp ayaa ah mid ka adag sidii hore xilli uu Klopp xiddiga reer Masar ka dhigan doono xiddig uu ku dhisi doono kooxda mar kale xilli ciyaareedka dambe”.

Warkan ayaa ka farxinaya taageerayaasha kooxda Liverpool kuwaas oo uu wal-wal ku abuuray wararka sida weyn loo hadal hayay maalmihii ugu dambeeyay

Salah ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 23 gool oo tartamada oo dhan ah iyo 12 gool oo uu caawiye ka noqday ilaa haatan xilli uu mar kale u tartamayo gool dhalinta premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here