Juventus ayaa weli laga adkaan la’yahay horyaalka Talyaaniga 24-kulan oo ay ciyaartay kal ciyaareedkan kaddib markii ay xalay 3-0 uga adkaatay naadiga Frosinone.
Ronaldo iyo Dybala oo min gool dhaliyay ayaa is dhaafsaday dabaal degyadooda caanka ah.
Labada xiddig ayaa kulamadii dambe waxaa dhex marayay is fahan aad u ballaaran.
Dybala ayaa goolka koowaad ku daah furay ciyaarta halka Ronaldo oo isna ku soo xiray, labada laacib ayaana iska tabal caareystay dabaal degyada ay ku caanka bexeen.
Advertisement