Savillia oo guuldaro qaraar garka ugelisay Barcelona & Xidigii goolka 2aad oo hadiyad diray

Kulankii xiisaha lahaa ee sida weyn loo wada sugayey kaasoo dhexmarayey kooxaha Savillia & Barcelona kasoo kadhacay guriga Savilia ayaa labaasay saacadda 11:30 PM waqtiga geeska afrika , Barcelona ayaa lama filaanka ugu weyn sameysay kadib markii ay ay kasoo tagtay Boqorkooda Lionel Messi halka Suarez keyka la dhigay balse dadka oo idil ayaa yaabay kadib markii shaxda line Upka lagu arkay Boating oo ahaa ninkii shalay ay Barcelona lasoo wareegtay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan iyadoo mid kasta ayku dadaaleysay ayku dadaaleysay iney dhinaceeda guusha soo marto gaar ahaan naadiga Savilla oo iyadu ogeyd in lugta hore hadii aysan adkaan isla markaana gool xooga ah aysan la iman iney ku dhici doonto wixii ku dhacay Levente isla markaana ninkii lugaha badnaa ee mesii uusoo laaban doono.

Qeybtii hore inteeda badan ciyaarta waxa ay aheyd mid xir xiran isla markaana Barcelona ay kaga rooneyd savilia kubad heysashada, daqiiqadii 24 aad barca ayaa ku sigatay in ladhigo rigoore kadib markii kubad uu vidal gudaha rigoorada garabka uga dhacday balse var ayaa diiday warkaasi.

Daqiiqadii 35 aad waxaa timid fursadii ugu horeysay oo la oran karay waxey aheyd mid gool ah kadib markii weeraryahanka Savilia xidiga lagu magacaabo Benyender uu kubad gudaha rigoorada ku helay uu gambiyey difaacada dhowr jeer misna banaanka mariyey.

Daqiiqadoo kooban waxaa yimid jawaabtii barcelona kadib baas qurux badanaa uu arthur utuuray Malcom oo udhuuntay gudaha rigoorada waxaana uu katagay goolhayaha isla markaana banaanka uu mariyey , sidoo kale Sevilia ayaa fursad kale soo martay balse goolhaya Barca ayaa bad baadiyey qeybtii horena 0-0 ayey kusoo afmeerantahay.

Markii ley soo laabtay waxaa halkeeda kasii socotay ciyaartii xiisaha ee Savilia & Barcelona , marjin wax badan oo isbadal ila adaqiiqadii 56 aad kadib markii savilia ay fursad kale u heshay iney furto goolka furitaanka balse waa ay qasaariyeen.

Balse daqiiqadii 58 aad waxaa yimid goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta kadib markii kubad lasoo laad dhanka koornaha katimid gudaha rigoorada uu ku helay sarabia kaasoo shabaqa ugu shubay barca sidaasna Savilia ciyaarta hogaanka ugu qabatay.

intaa wixii ka dambeeyey waxaa bilowday weeraro isdaba joog ah oo Savilia fursado dhowr balse meysan ka faa’iideysan, Sidoo kale barcelona ayaa isku dayo dhowr sameysay oo ay ugu weyneed fursadii Coutinho oo uu qasaariyey , balse kubad Coutinho laga soo dafay ayaa aheyd Control attack ayaa bannega usoo dhex dhigay gudaha rigoorada waxaana dhaliyey Wisaam Benyender sidaasna 2-0 kaga dhigay oo savilia ku hogaamineysay , isku dayo dhowr ah ayey sameysay Barcelona balse nasiib daro 2-0 ayaa aakhirkii looga adkaaday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here