Santiago Solari Oo Qorshe U Dagsaday Xiddigaha Kooxdiisa Ee Marcelo, Brahim Diaz & Cristo

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa dagsaday qorshe uu kaga hor tagi doono kooxda Leganes kulan ka tirsan Copa del Rey kuna saabsan xiddigaha Brahim Diaz, Cristo iyo Marcelo.

Wargayska MARCA ayaa sheegayy in uu tababaraha reer Argentine qaatay go,aano ku saabsan 3 xiddig oo kooxdiisa ah kulanka Leganes.

Fikirka 1-aad ayaa ku aadan xiddiga Marcelo kaas oo haatan la kulmaya dhaleecayn xoogan oo ku saabsan qaab ciyaareedkiisii kulamadii ugu dambeeyay waxana uu damacsan yahay in uu nasiyo kulanka Leganes una nasiyo kulanka Sevilla.

Go,aanka kale ayaa ah in uu tababaruhu wax ka badalo qorshihiisa weerarka fursadna siiyo xiddiga Cristo kaas oo ah da,yarka kooxda isaga oo ku biirin doona booska xiddigaha Mariano Diaz iyo Marco Asensio.

Midka ugu dambeeya ayaa ah in uu siiyo fursadii ugu horaysay xiddiga kooxda ku soo biiray bishan ee Brahim Diaz kaas oo koxoda kaga soo biiray kooxda Man City.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here