Santiago Solari Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Zinedine Zidane Ka Dhigay Real Madrid

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa bar-bareeyay rikoodh uu dhigay tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane kadib guushii ay Los Blancos ka gaadhay Atletico Madrid.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegay kadib markii uu Solari kooxda Real Madrid hogaamiyay 25 kulan waxa uu la rikoodh noqday tababarihii hore ee Zidane markii uu gaadhay ila kulamadaas.

Ugu horayn labada tababare ayaa isaga mid ah in laga soo dalacay da,yarka kooxda markii loo dhiibay kooxda 1-aad kadib natiijooyin xun oo ay tababarayaashii ka horeeyay ku hogaamiyeen kooxda.

Tababare Zidane ayaa 25-kiisii kulan ee ugu horeeyay kooxda ku hogaamiyay 20 guulood 3 bar-baro iyo 2 guuldaro inkasta oo laga reebay tartanka copa del Rey-ga sabab la xidhiidha in uu ciyaarsiiyay xiddig ganaax ku maqnaa.

Solari ayaa leh isla rikoodhkaas laakiin wakhtigii Zidane kooxda Barcelona ayaa horyaalka iyo Copa del Rey-ga ku garaacday Real Madrid halka ay Los Blancos ku guulaystay champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here