Santi Cazorla Oo Ka Inkaarsaday Real Madrid Bar Bar Dhac Ayuu Ku So Qasbay Ka Dib Kullan Ka Dhacay Garoonka Villa Real.

Santi Cazorla ayaa guul darro ka bad baadiyay kooxdiisa Villareal waxa uuna dhamaadkii ciyaarta uu Real ku qabtay bar bar dhac min laba gool ah .

Labada koox ayaa wada ciyaarayay kulan ka tirsanaa wareegga 22-aad ee La Ligaha waxaana goolka koowaad ku horeeyay Villa Real waxaana daqiiqaddii 4-aad dhaliyay isla laacibka ee Santi Cazorla .

Real oo kubad dar dar leh ciyaareysay ayaa durba keentay goolka bar bar dhaca daqiiqaddii 7-aad waxaana saxiixay Karim Benzema.

Ka dib ciyaarta xaraarad ayay yeelatay waxa ayna Real qaadayeen duullaan kaasi oo ugu dambeyn ay ku keeneen gool labaad daqiiqaddii 20-aad waxaana saxiixay Varane .

Ciyaarta waxa ay noqotay mid u furan labada koox inkastoo Real ay halis badneyd waxaana lagu nastay 2/1.
Soo laabashadii , kubadda waa isku cuburneyd qaladaadkeena ayaana badnaa mana jirrin koox si gaar ah kubada u haystay .

Xilli u muuqaty Real in ay badisay ayaa daqiiqadii 82-aad waxaa diiday Santi Cazorla oo ciyaarta ka dhigay min laba gool

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here