Samuel Umtiti Oo Ku Soo Laaban Doona Barcelona, Goorma?

0

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa ku soo laaban doona magaalada Barcelona sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu daafaca reer France ee Samauel Umtiti ku soo laaban doono Magaalada Barcelona maanta oo Axad ah isaga oo ka iman doona dalka Qatar.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa dawayn ku qaadanayay qaadanayay dalka Qatar kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay dhawr marna ku soo laabtay.

Kadib markii uu muddo 20 maalmood ah ku qaatay dalka Qatar dhakhtarkii gaarka u ahaa xiddiga ayaa kooxda Barcelona u sheegay in uu xiddigu diyaar u yahay in uu laabto.

Sida uu xaqiijiyay wargaysku xiddiga ayaa maanta magaalada Barcelona ku mari doona tijaabadiisii ugu dambaysay ka hor inta uuna garoomada ku soo laaban.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here